Somali News
    Hees  

Tababare Fartuun Cismaan iyo Kooxdii Gabdhaha oo ka Qayb galay Schwan´s USA CUP 

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Tababare Fartuun Cismaan iyo Kooxdii Gabdhaha oo ka Qayb galay Schwan´s USA CUP 

Blaine, Minnesota. USA :  Waxaa  July 21, 2012 lagu soo gabagabeeyey Ciyaarihii Kubadda Cagta ee Koobka Schwan´s USA CUP ( America´s Greatest International Youth Soccer Tournament  2012 Blaine Minnesota, USA). Koobkan oo socdey July 13 ilaa 21, 2012  ayaa waxaa loo qabtaa Kooxo dhalinyarada  da´doodu u dhaxeyso 10 ilaa 19 Jir (10 up to19= age) oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. Dhalinyaradaas oo ka kala timaada shanta Qaaradood ee Aduunka ayaa koox waliba waxay wadataa dhalinyaro u dhaxeysa da´daas aan kor ku soo sheegney oo Wiilal iyo gabdho isugu jira. Waxaana Schwan´s USA CUP Responsera shirkadaha ugu waaweyn ee wadanka Ameerika sida , Puma, Coca Cola , Gate way iyo kuwo kale oo badan.

Haddaba koobkan USA Cup ayaa waxaa ka qayb galay Ciyaartooy Gabdho iyo Wiilal isugu jira oo Somali-American ah , kuwaas oo ay da´doodu kal gedisneyd. Dhinaca kooxda Gabdhaha ee ka qayb galay USA Cup ka ayaa da´doodu ahayd age=12 , waxaana u ahayd Tababare Coach Fartuun Cismaan oo ayadu ah Macallimada Tababare ee School Higher Groud Academy ku xeel dheer Ciyaaraha kala gedisan sida Kubadda Cagta, kubadda Gacanta , Ciyaaraha Fudud. Kooxaha Gabdhaha ah ee ay tababaraha u tahay fartuun Cismaan ayaa 80% waxa ay yihiin Soomaali , halka 20% ay yihiin Gabdho ka soo jeeda Waddamada Ethopia, Eritrea, Sudan, Yeman iyo kuwo kale.

Mar la weydiiyey sababta ay u soo xulatey koobka Schwan´s USA CUP oo wadamo badani ka soo qayb gelayaan gabdhaha da´doodu tahay 12 jir waxay ku jawaabtey “ marka hore waqtiga ayaa aad ciriiri noogu ahaa  sababta oo ah nagoo safar ka nimid kana qayb galney ciyaarihii Soomaalida ee Somali Week Toronto ee waan heli karney inaan dhowr kooxood oo Gabdho ah kaga qayb galno. Sababta aan u qaatey Gabdhahan age=12 waxaa weeye ayaga oo jira 6 sanno ayaan u bilaabey Ciyaarta maantana waa 12 Jir, waxaan aan u arkey kuwa keliya ee adkeysi iyo awoodba u leh inay Ciyaarahan degdega ah ka bixi karaan ”.

Dhan kale waxaa ayaguna Ciyaarey  Wiilasha oo da´doodu u dhaxeysay 17- 19, waxayna ka dhigeen halkaasi ciyaar wanaagsan waxaana tababare u ahaa Coach Buzz Logos oo ah watey ciyaartoogii Schoolka Higher Ground Academy, Tababare  Buzz Logos oo asagu wiilasha Somali-American tababare u ahaa ilaa 1999.

Guud ahaan Ciyaarihii Gabdhaha iyo Wiilasha ee Koobka Schwan´s USA CUP waxay ku soo dhamaadeen jawi fiican , ayadoo ciyaarihii kuwo ay badiyeen kuwana laga badiyey balse ay ku hareen intii u danbeysay Semi-finalka , haddana rajo weyn bay ka qabaan inay guulo ka soo hoyiyaan Ciyaaraha danbe.

Halkan ka akhri isku aadkii

http://events.gotsport.com/events/schedule.aspx?EventID=25054&GroupID=234085&Gender=Girls&Age=12

 

halkan ka akhri WebsitkoodaUSA CUP

http://www.usacup.org/





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)