|
War deg deg ah: Ciidamada AMISOM oo Maareeye Sayid Cali si jujuub ah uga kaxeeyay Dekedda Muqdisho
Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

War deg deg ah: Ciidamada AMISOM oo Maareeye Sayid Cali si jujuub ah uga kaxeeyay Dekedda Muqdisho
Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa daqiiqado kahor waxay howlgal ka fuliyeen gudaha Dekedda Muqdisho, kolonyada ciidamada AMISOM ayaa la sheegayaa inay la socdeen Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Maareeyaha cusub ee dhowaan loo soo magacaabay.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay isku gadaameen xafiiska Maareeyaha xilka laga qaaday ee Sayid Cali, kaddibna waxaa gudaha u galay ilaa toddobo ruux oo ay ku jiraan Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Maareeyaha cusub iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.
Goob joogayaal u waramay shabakadaan ayaa sheegay in Maareeye Sayid Cali lagu amray inuu soo raaco gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoona gaarigii uu watay ay u diideen inuu raaco, waxayna dhammaantood la sheegay in la geeyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Maareeyihii xilka laga qaaday ee Sayid Cali lagu xiray xabsi ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Somalia, iyadoona la sheegayo in Madaxweyne Shariif uu arrinta soo kala dhex galay, isla markaana Sayid Cali maxkamad lagu soo taago amar diidooyin fara badan oo uu kula kacay madaxda Dowladda min Ra'iisal Wasaare ilaa Wasiirka Dekedaha, isagoo waliba u hanjabay Wasiirka dhowr jeer awood aan meelna jirin ugu hanjabaya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|