|
Shirkii lagu waday Ansixinta Destuurka cusub ee Soomaaliya oo markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid
Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shirkii lagu waday Ansixinta Destuurka cusub ee Soomaaliya oo markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid
Dib u dhaca Shirkii lagu ansixin lahaa Destuurka cusub ee Soomaaliya ayaa laggu sheegay sababo farsamo, dib u dhaca shirka lagu ansixin lahaa Destuurka ayaa noqonaaya markii sadaxaad oo uu shirkaasi baaqday.
Madaxsha shirka baaqday ayaa lagu waday inuu in lagu ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya iyadoo sidoo kale madashaasi lagu soo xuli lahaa xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ay Soomaaliya yeelanayso ayaa la sheegay inuu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota.
Wasiir u dowlaha wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka Xasan Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Dib u dhaca shirka ay sabab u tahay ergooyinka oo aan qaarkood soo gaarin Muqdisho, isagoo sheegay in la faliyo inay maanta soo gaaraan ergooyinka Muqdisho.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaan iyagu ka hadlin weli sababta uu shirku dib ugu dhacay, waxaana dib u dhaca shirkan uu noqonayaa kii saddexaad, iyadoo lagu waday inuu furmo 12-kii bishan.
dhinaca kale Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed iyo xubno wasiirro ah ayaa tagay halka uu shirku ka furmayo oo ammaan ahaan si buuxda loo adkeeyay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|