Somali News
    Hees  

Ururka Hor marinta Dhalinyarada Nabada ee maanta lagu dhawaaqay

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ururka Hor marinta Dhalinyarada Nabada ee maanta lagu dhawaaqay

Ururka Hor marinta Dhalinyarada Nabada ee maanta lagu dhawaaqay ayaa ah mid qeyb lixaad leh ka qaadan doono Nabad ku soo dabaalida Dalka gaar ahaan Deegaanada Dhowaan DKMG ah ay la wareegtay Uruurkaani oo maanta looga dhawaaqay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ujeedikiisu yahay Sidii uu uga qeb qaadan lahaa Nabada iyo Wacyi gelinta Dhalinyarada.

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Nabada ayaa waxaa uu yahay Mid horay uga soo shaqeeyaya magaalada Neyrobi ee Dalka Kenya isagoo iminka rajo weyn ka qabo sidii uu mar kale howlo uga bilaabilaha Gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabelaha Hoose & Gobolada Kalaba .

Uruurka ayaa waxaa uu yahay mid Faa,iido weyn u leh Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaana ka mid ah howlaha uu ka saacidi Doono la dagaalanka jahliga ,faaiidada nabada Caafimaadka, Horumarka Dhaqaalaha Sportska IWM.

Mas,uul ka tirsan Uruurka ayaa tibaaxay in iminka ay ku howlan yihiin Sidii ay wada Shaqeyn u dhex mari laheyd Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose madaama uu ururku yahay mid aan Faa,iido doon ahayn balse ujeedikiisa uu yahay sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed uu uga wacyi galin lahaa jahliga ragaadiyay iyo Colaadaha la xiriira Anooyinka Qabiilka.

Gudmooyiha Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose Mudane C/qaadir Shiiq Siidi ayaa horay ugu baaqay in Ay soo dhoweynyaaan Cidii wax u qabaneysoo Shacabka Degmada Afgooye aar ahaan Dhalinyarada buu yiri Maskaxdooda ay Tashkiilyeen Kooxaha nabad iidka waa siduu hadlka u dhigaye Gudoomiyaha.

Ku dhawaaqitaanka Ururkani ayaa ku soo beegmaya Xili baahi weryn ka jirto Degmada Afgooye iyo Deegaano Fara badan oo tirsan Gobolka Shabelaha Hoose oo ay dhawaan la waregeen DMKG ah,.


w.d weriye dr.ali omar abati binfaghi

eamil dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)