|
Dowladda KMG ah oo Mushaaraad iyo qalab ciidanba siin doonto dhawaan ciidamadii la qarameeyey ee Ahlu Sunna Waljameeca
Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda KMG ah oo Mushaaraad iyo qalab ciidanba siin doonto dhawaan ciidamadii la qarameeyey ee Ahlu Sunna Waljameeca.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhawaan mushahar iyo qalab ciidan siin doonto ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ka dib markii la sheegay in maamulka Ahlu Sunna ay ku biireen dowladda KMG Soomaaliya, halkii ay markii hore ka ahaayeen urur madax banaan.
Macalin C/raxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo isagu horay u ahaa Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee degmadaasi ayaa shaaca ka qaaday in mushaar joogta ah loo bilaabi doono ciidamada ammaanka ka shaqeynaya ee ku sugan magaaladaasi, wuxuuna Mr. Geeda Qorow uu hadalkaasi ka sheegay kulan amniga ku saabsan oo ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay meel saari doonaan xuquuqda ciidanka, isla markaasna hadda ka dib mushaharka ciidamada Ahlu Sunna ay heli doonaan mushaar joogto ah oo ay bixineyso dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in mushaar la’aanta ciidamada ay qeyb ka aheyd markii hore amaan darrida ka jirtay deegaanada qaar.
Dhinaca kale wasaarada arimaha gudaha ee dowlada KMG ah ee Somalia ayaa dhowaan qarameysay maamulkii iyo ciidankii ahlu suna waljameeca ee gobolka Galgaduud, iyadoo sheegtay in wixii hada ka dambeeya ay ku xuquuq yihiin madaxda iyo ciidamada kale ee dowlada maadaama ay si toos ah ula midoobeen dowladaKMG ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|