|
Dowlada KMG ah oo sheegtay inay 1500- askari u diyaarisay inay ku sugto ammaanka shirka lagu ansixinaayo dastuurka Cusub
Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowlada KMG ah oo sheegtay inay 1500- askari u diyaarisay inay ku sugto ammaanka shirka lagu ansixinaayo dastuurka Cusub.
War ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa lagu sheegay in amaanka Muqdisho aad loo xaqiijiyay gaar ahaan halka uu ka furmi doono shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub.
Iyadoo lagu wado berito in xarunta iskool boliisiya uu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka ayaa war ka soo baxay Wasiiru dowlaha Amniga Dr. Cabdi Cali Xasan waxaa lagu sheegay in ilaa 1500 askari lagu daadiyay magaalada Xamar gaar ahaan meelaha ku dhow dhow halka shirku ka furmayo si amaanka wax badan uga qabtaan inta uu shirku socdo.
Wasiiru dowlaha Amniga Dr. Cabdi Cali Xasan waxaa uu shaaciyay inay ciidamadu u diyaarsan yihiin sidii ay kaga hortagi lahaayaan qaraxyo iyo weerarada ay laga yaabo inay soo qaadaan dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda.
Dr. Cabdi Cali Xasan ayaa ku faanay inay maalmahaan danbe yaraadeen qaraxyadii xamar ka dhici jirey islamarkaana ay ku timid sida uu sheegay feejignaanta ciidamada Dowlada KMG ah.
Warka Mas'uulkaai ka soo baxay ayaa ku soo aadaya xili dhawaan saraakiisha Amisom iyo kuwa nabad sugida Dowlada ay si kala gaar gaar ah u sheegeen inay u diyaar garoobeen sugida amaanka iyadoo amisom sheegtay inay ciidamo gaar ah u diyaarisay halka nabad sugida Dowlada sheegtay inay ciidamo muuqda iyo kuwa qarsoon u diyaarisay sugida halka shirku ka furmi doono berito.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|