|
Mareykanka oo lagu eedeeyay duqeeynta wadamada Soomaaliya Pakistan iyo Yemen taasi uusan qabin xeerka Caalamiga ah
Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mareykanka oo lagu eedeeyay in 4-tii sano ee lasoo dhaafay uu duqeeyay wadamada Soomaaliya Pakistan iyo Yemen taasi oo uu sheegay in uusan qabin xeerka Caalamiga ah.
Waxaa lagu ogaaday darsaad la sameeyay in Mareykanka iyo reer galbeedka ay xadgudubyo ka gaysteen Soomaaliya.
Daraasad ay sameeyeen Qubaro iyo Siyaasiyiin ku xeeldheer arrimaha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay xadgudubyo aan loo meel dayin ay ka gaysatay 3 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay kuwaasi oo ay ka gaysatay dowladda duqeymo sharci daro ah oo waxyeelo u gaystay dad shacab ah.
Nin magaciisa lagu sheegay Cimraan Khan oo ah Sanisyahaan u dhashay dalka Pakistan ayaa waxa uu sheegay in 4-tii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka uu duqeeyay wadamada Soomaaliya Pakistan iyo Yemen taasi oo uu sheegay in uusan qabin xeerka Caalamiga ah.
Dhinaca kale Seynisyahankaani ayaa sheegay in xadgudubyada uu Mareykanka gaystay ay tusaale u tahay duqeyntii uu ku dilay Aadan Xaashi Ceyroow oo uu sheegay in ay qasaaro kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan taasina ay ka baxsan tahay dhowrista xuquuqda aadanaha islamarkaana ay muujineyso sida Mareykanka uu u jabinayo cunaqabteynta saaran Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|