Somali News
    Hees  

Xaaska lahayste Faransiis ah oo Alshabaab ka codsatay in ay u sii daayaan Ninkeeda

Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Xaaska lahayste Faransiis ah oo Alshabaab ka codsatay in ay u sii daayaan Ninkeeda

Fariintaani ka timid xaaska nin Faransiis ah oo Al Shabaab gacanta ugu jira ayaa waxa ay kaga hadleysaa xaaladeeda iyo sidoo kale codsi ay u jeedineyso Xarakada Al Shabaab.

"Hadii aad i maqleyso waa xaaskaaga, waxaan rajeynayaa inaad maqlayso meel kasta oo aad Soomaaliya ka joogto, xaaladeyda wey wanaagsan tahay, caruurtooda sidoo kale moralkooda waa mid wanaagsan iskuulka wey aadaan balse saacad waliba adiga ayey ikaa weydiiyaan oo wey ku tabayaan" sidaasi waxaa yiri xaaska haweeneyda ninka faransiiska oo ay haystaan Shabaab.

Sidoo kale waxa ay tiri haweeneydaani "kaama quusan waadna ogtahay in aan quusaneynin, waxaan ku rajo weynahay in aad dhibaatada ka bixi doonto oo aad noo imaan doonto kuwa ku haystana waxaan ka codsanayaa inay kusii daayaan"

Ninkani Faransiiska ah ayaa waxaa sanadkii 2009-ka ka afduubtay Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kooxo hubaysan, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in la muslimiyay oo uu ka mid yahay Xarakada Al Shabaab

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)