Somali News
    Hees  

Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaayo in Shirkadda la jabsaday

Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Warsaxaafadeed:  Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay Hantida Shirkadda Dahabshiil iyo tan macaamiisheeduba waa mid Xafidan

Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah  Shirkadda Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah. Hore waxa shirkaddu  u saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaan  in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.

Sidaa darteed:

1.      Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2.      Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3.      Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4.      Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.

-         Allaa Mahad Leh –



Hassan M Jama "Heiss"
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center 
Tel. +47 6705 9884 (Office); +252 7 9100001

Alternative eMails: hassanheiss@gmail.comhassanheiss@hotmail.com

www.dahabshiil.com

 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)