Somali News
    Hees  

Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday inuu kormeerayo shaqsiyaadka ka ganacsada Dhuxusha iyo dowladaha loo iib geeyo dhuxusha Soomaaliya

Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday inuu kormeerayo shaqsiyaadka ka ganacsada Dhuxusha iyo dowladaha loo iib geeyo dhuxusha Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay ururka midowga yurub ayaa lagu sheegay in midowga yurub uu kordhiyay xayiraaddii uu saaray dalka Somalia gaar ahaana ka ganacsiga dhuxusha Somalia.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in midowga yuru uu aad u kormeerayo shaqsiyaada Soomaalida ah ee ka ganacsada dhuxusha iyo dowladaha loo iib geeyo dhuxusha Somalia.

Waxana 27ka dowladood ee uu ka koobanyahay ururka midowga yurub ay sheegeen in dhuxusha Somalia ay dhaqaalo badan ay ka helaan xarakada Al shabab oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan geedi socodka nabadda dalka somalia.

Kordhinta cunaqabateynta midowga yurub uu saaray somalia gaar ahaana dhuxusha Somalia ,waxaa loola gonleeyahay in dalka Somalia laga qabto shaqsiyaadka qaska wada ee ka soo horjeeda midnimada umadda soomaaliyeed ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay ururka midowga yurub.

Dowladda Mareykanka ayaa maalmo ka hor cunuqabateyntan mid lamid ah ku soo rogtay dhuxusha Somalia iyo shaqsiyaad ay ku sheegtay inay yihiin qaswadayaal.

Golaha amaanka ee QM ayaa horay u soo saaray digniin ku wajahan dowladaha loo iibgeeyo dhuxusha Somalia iyo ganacsatada ku howlan dhoofinta dhuxusha Somalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)