|
Ciidamada AMISOM oo sheegay inay sugeyso ammaanka goobta lagu ansaxinayo Dastuurka
Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada AMISOM oo sheegay inay sugeyso ammaanka goobta lagu ansaxinayo Dastuurka.
AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarisay ciidamo gaar ah oo ilaalinaya goobta uu ka dhacaayo shirweynaha lagu ansaxinayo Dastuurka cusub ee Qabyada ah kaasoo 25-Bishan oo ku beegan beri lagu wado inuu si rasmi ah uga furmo caasimada dalka ee Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo si gaar ah u tababaran oo loogu tala galay inay sugaan ammaanka goobta lagu qabanayo shirka lagu ansaxinayo Dastuurka.
Cali Aadan Xaamud ayaa tilmaamay in ciidamada ay diyaariyeen ay isugu jiraan kuwa hawada ka ilaalinaya goobta uu shirka ka dahacayo iyo kuwa dhulka ka sugayo amaanka.
"Ciidamada aan diyaarinay waxa ay isugu jiraan kuwa ku dhaxjira dadka soo galaya hoolka iyo sidoo kale kuwa banaanka iyo dusha sare intaba ka ilaalinaya goobta shirka waana ku dadaalaynaa inaan si wanaagsan u xaqiijino ammaanka"ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Dhinaca kale Afhayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in Gobalada ay joogaan ciidamada Itoobiya ay dhawaan kala wareegi doonaan, hase yeeshee ma uusan carabaabin waqtiga goboladaasi ay kala wareegayaan ciidamada Itoobiya.
Sarakiisha AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa shegay in si weyn ay u adkeynayaan amaanka goobta uu ka dhacayo shirka lagu ansaxinayo dastuurka cusub ee Qabyada ah kaasoo la filayo in si rasmi ah uu uga furmo Beri magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|