|
Ciidamada nabad sugida G/Banaadir oo sheegay iney degmada H/wadaag ku dileen kooxo Al-Shabaab ah
Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada nabad sugida G/Banaadir oo sheegay iney degmada H/wadaag ku dileen kooxo Al-Shabaab ah.
Khaliif Axmed Ereg Taliyaha ciidamada nabad sugida Qaranka ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgal shalay galab ay ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ay ku dileen labo Maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalkaas uu yimid kadib markii dadka ku dhaqan agagaarka hotel Shaam oo ku yaala wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ay ku soo wargeliyeen in guri halkaas ku dhow ay soo gaareen rag la garanayo oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo keentay inaan weerarno.
"Waxaan isku gadaamay ciidamada nabad sugida meel la sheegay inay ku jiraan kooxaha Shabaab, waxayna diideen ragaasi iney isa soo dhiibaan weyna dagaalameen, labadoodana goobtaas ayaa lagu dilay, anagana wax khasaare nama gaarin" ayuu yiri Taliye Khaliif Axmed Ereg.
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg wuxuu sheegay in guriga ay ragga la dilay ku weerareen ay ka soo heleen hub kala duwan iyo waxyaabo qarxa oo lagu farsameynayey, isagoo digniin u diray kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee magaalada ammaan darada ka wada iney ka waantoobaan haddii kale ay la kulmi doonaan Ciqaab adag..
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|