Somali News
    Hees  

Waa maxay ujeedada ay ka leeyihiin kooxaha u gefay Jan. Gaafow?! 

Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Waa maxay ujeedada ay ka leeyihiin kooxaha u gefay Jan. Gaafow?! 

Tan iyo markii ay soo if baxday warbixinta kooxaha dabagalka u qaabilsan QM oo iyadu faragelin toos ah ka dhex wadda howlaha Dowladda KMG ah iyo madaxda hay'adaha kala duwan ee xukuumadda Soomaaliya, markii aan akhriyay warbixinta runtii waxaa ii soo baxday in haba yaraatee aanay ku saleysneyn caddeymo rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo.
 
Bal akhri warbixinta gaar ahaan qodobada lagu eedeynayo mas'uuliyiin uu ka mid yahay Jan. C/llaahi Maxamuud Gaafowoo sheegeysa inuu afhayeenka Al-Shabaab siiyay saddex Baasaboor, su'aashu waxay tahay Ma Jan. Gaafow ayaa saddex baasaboor siiyay Cali Dheeraha Al-Shabaab?, sidee ku ogaaday qofka warka intaas la'eg qoray? iyo su'aalo kale oo aan caqli gal ahayn.
 
In kasta oo aan halkaan lagu soo koobi karin qoraalka beenka abuurka ah ee loogu gefayo Madaxda sare ee Dowladda KMG ah, gaar ahaan Taliyaha hoggaanka socdaalka Jan. C/llaahi Maxamuud Gaafow ayaa warbixintu waxay tilmaameysaa arrimo fara badan oo qaarkood markaad u sii dhabba gasho ku gelinaya in qolyaha soo qoray ay iyagu la shaqeeyaan Ururka Shabaab iyo kooxaha argagixisada ah ee wadanka dhibaatada ba'an ku haya.
 
Mar waxay leeyihiin Baasaboorkii cusbaa ayaa la iska iibsanayaa, su'aashu waxay tahay maxaa loo sameeyay Baasaboorka? inay qaataan muwaadiniinta Soomaaliya lagana iibiyo haday joogaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, runtiina kharajka uu muwaadinku ku iibsanayo haddii la qiimeeyo kama badna tas-hiilaadka ku baxay (Farsamada sameynta Baasaboorka).
Warbixinta UN- Contact Group ee ku saabsan arrimaha Baasaboorka iyo hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha qodobada ay soo qaateen iyo eedeymaha ay u jeedinayaan taliyaha hoggaanka socdaalka ma aha mid ay ku qanceen shacabka Soomaaliyeed ee samaha jecel.
 
Arrintaani waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay aqoonyahano Soomaaliyeed oo iyagu caddeeyay in ujeedada iyo nuxurka warbixinta ay tahay in lagu dumiyo ama lagu xumeeyo horumarka dhinaca socdaalka iyo Baasaboorada ay ka gaartay Soomaaliya dibna loogu celiyo halkii ay toban sano kahor ka timid.
 
Intaas oo dhan waxaaba ka sii daran, qolooyin qurbaha qabow ku dilay oo dadkoodii ka haray kuwa shisheeye ee ay la joogaanna la qabsan waayay inay Websityada ku af lagaadeeyaan Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud waa ayaan darro inteeda la'eg, kuwaasi oo markii qoraalkooda aan eegay iigula muuqda kuwo si howtul hamag ah caay ugala dul dhacay Janaraalka.
 
Marka aan meel iska dhigo warbixinta Guddiga QM u qaabilsan dabagalka, su'aasha isweydiinta lihi waxay tahay kuwa Soomaalida isku sheegaya Jan. Gaafow ma shalay ayuu fiicnaa, mise maanta ayuu tuug noqday?, waxaa nasiib darro ah inaad daliil ka dhigato been dalkaaga iyo dadkaaga lagu baabi'inayo laguna xumeynayo horumarka uu gaaray sanadkan 2012-ka.
 
Akhristow qoraalkeyga ma aha inaan ku difaacayo Jan. Gaafow, balse waxaa igu dhaliyay inaan maqaalkaan qoro warbixinta beenta ah ee uu soo qoray ninka guddoomiyaha guddiga dabagalka Q/Midoobay ee uu ku doonayo inuu ku xumeeyo amaba dhaawaco rajada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho ay ka leeyihiin inuu dib u soo laabto nidaamka dowliga ah.
 
Runtii waa warbixin ujeedadeedu tahay in Soomaaliya muraayadda looga jebiyo, mana dhaceyso ujeedada ay leeyihiin guddi isku sheegta QM oo isku leexleexiyay sida: "Askari dilay qof rayid, Madaxweynaha oo dhacay 1-Milyan Dollar, Jan. Gaafow oo Baasaboor Burcadbadeed iyo Al-Shabaab, iwm".
 
Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud waa ruug cadaa ku xeel dheer arrimaha hoggaanka socdaalka, lehna khibrad iyo waaya aragnimo intii la doono, tuuryana lama gaaraan kuwo qolofka Soomaali ka ah saaranna matoor shisheeye, waxaana qormadeyda ku soo gabagabeynayaa "ISHII BUGTAAY KU BIKAACSO HORUMARKA UU DALKA KU TALLAABSADAY".
 
Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
http://jabriil2010@hotmail.com 
Tel: 0025261-5662810
Muqdisho - Soomaaliya

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)