|
Furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika oo laga arinsaday
Cape Town Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaflad afur ah oo aad loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Mudulood ee Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka dhacdey Hotel Capetonian ee ku yaala xeebta magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape.
Kulankani ayaa waxa uu daba socday kulumo isdaba joog ah oo maalmihii u danbeysay ay qabsanayeen Soomaalida Koonfur Africa kaasi oo loogu tashanayey sidii loo fariisin lahaa safaarada cusub ee Soomaaliya ku yeelan doonto dalkani South Africa.
Kulankani ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha bulshada Soomaalida K/Africa iyadoo si weyn loo lafa guray sidii garab buuxa loo siin lahaa safaarada cusub oo ay Soomaalida baahi weyn u qabto maadaama dalka lagu dhibaateeyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Africa.
Maxamuud Guutaale oo ka mid ahaa qaban qabiyaasha xaflada ayaa mahadcelin ka dib sheegay in safaarada Soomaaliya ay u baahan tahay garab isla markaana meesha ay ku howl gali lahayd dhismaheeda iyo qalabkii lagu shaqeyn lahaa loogu fadhiyo Soomaalida shaqada loo qaban lahaa.
Cabdi Cali Bisle oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaalida ayaa isagane ka dhawaajiyey in Soomaaliya aysan weligeed safaarad ka furan dalkani, waxana xigey Salool oo ku hadlayay magaca ganacstada Soomaalida ayaa tibaaxay in toban sanno ka badan uu jooga Koonfur Afrika.
Madasha shirka uu ka dhacay oo ay xusid mudantahay in ay tahay meeshii lagu qaabiley safiirka loosoo magacaabay dalkani danojire Sayid Hassan Shariif ayaa waxa ay ahayd halkii safiirka uu Soomaalida gobolkani oga codsaday in ay safaaradda is garabtaagaan, todobaadyo gudaheedna waxaa muuqata in talaabo horey loo qaadayo.
Safiirka ayaa socdaalo ku bixiyey qeybo badan oo dalkani ka tirsan, isagoo soodhaweyn diiran kala kulmey Soomaalida ganacsatada ah, waxaa la saaray gudiyo shan ka kooban oo la shaqeeya safaaradda, dadkii maanta xafladani kasoo qeybgalayna waxa ay ahaayeen gudigii laga magacaabay Cape Town.
Waxaa sidoo kale xafladda laga shaaciyey in la xaliyey qashqashaad yar oo lagu sameeyey gudiga, wixii hadda ka dambeeyana horey loo talaabsan doono. iyadoo gebi ahaan meesha laga saaray is kooxeysiga loona talaabsaday markani in la dhisto qaranka Soomaaliya maadaama uu ku filan yahay dhamaan dadka ku aftirsada Soomaaliya.
Sida uu qabo mid ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalkani ku dhaqan, in Soomaaliya ay dalkani safaarad ku yeelato waa mid aad oga muhiimad badan inta loo malaynayo, sababtoo ah waxa uu yiri “Pretoria waxa ay marti galisaa safaaradaha ugu badan ee aduunka marka laga yimaado Washington, Koonfur Afrika waxa ay ku jirtaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobey kursi joogtana waa ka raadsanaysaa, waxaa ku yaala baarlamaanka Afrika, dhawaana gudoonka midoowga Afrika ayaa loo doortey Dr. Nkososani Dlamini-Zuma oo ah wasiirad Koonfur Afrika ka tirsan, waxani oo dhan waxa ay ka dhiganyihiin in halkani ay tahay masrax caalami ah oo marnaba aysan Soomaaliya ka maarmin in loo matalo, danojire Sayid Shariifna waa shaqsiga ugu haboon ee halkan Soomaaliya u matali kara inta aan ka arkay” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo) oo ah saxafi ku sugan Pretoria, kana tirsan ururka saxafiyiinta ee SOJASA.
Si kastaba ha ahaatee waxaa madasha shirka isugu yimid waxgaradka ku sugan magaalada Cape Town iyadoo arintani rajo wanaagsan laga muujiyay waxana shirkani loogu gudbay caqabado badan oo hortaagnaa Soomaalida K/africa.





Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, South Africa.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|