Somali News
    Hees  

Beelo ka tirsan Beelaha Daarood oo Cabasho u Direy Ergeyga gaar Q/M ee Soomaliya AU, EU IGAD iyo Dowladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya

Mogadishu Talaado 24 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Beelo ka tirsan Beelaha Daarood oo Cabasho u Direy Ergeyga gaar Q/M ee Soomaliya AU, EU IGAD iyo Dowladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya

Tan iyo markii ay Bilowdeen Kulamada looga arrinsanayo  Arimaha Dastuurka Qabyada iyo Soo xulida Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya waxaa
isa soo tarayey Cabashada ka imaaneysa beelaha Soomaaliyeed ka dib markii ay sheegeen in la gacan Bidixeeyey islamarkaana lagu sameeyey Cadaaladdaro weyn  Afar Beelood oo ka tirsan Beelaha Daarood kuwaas oo kala ah Geri Koobe, Kaskiqabe, Geesaguule iyo  Absame ayaa
soo saarey Qoraal ay kaga cabanayaan Beelaha Daarood

Afarta Odey Dhaqameed ee
Hogaamiya Beelahaan Tirsanaya Cadaalodarada ayaa Qoraalo ay soo saareen ku wargelinaya  Ergeyga Gaarka ee   Qaramada Midoobey ee Soomaliya Midowga Afrika, Igad , Midowga Yururb  , Mareykanka iyo Ingiriiska waxayna  ka codsadeen in ay gacan ka geysteen sidii Afartaas beelood ee ka tirsaan beesha Daarood ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda islamarkaana uga qayb qaadan lahaayeen Geedi Socodka Hanaanka kala guurka ee Soomaaliya,

“Waxaan ugu baaqeynaa in Beesha Caalamka in ay nagu taageeraan sidii ay qayb libax aan ugu qaadan
lahayn  Ansaxinta Dasuurka Qabyada , iyo Soo xulida Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka soomaaliya “ayey ku yiraahdeen Qoraaladii ay u kala direen Beesha Calaamka iyo Dowladdaha Daneeya Arrimaha
Soomaaliya  iyagoo sheegey in ay Cadaalodarro soo jireen ah ay ka tirsanayaan Beelaha kale ee Daarood  maadaama ay
yihiin dad  doonaya in ay ka qaybqaataan meelaha looga arrinsanayo Masiirka Ummada  Soomaaliyeed.


“Waxaan rajeyneynaa in Codsigeena iyo Baaqeena ay  u Dhegraariciyaan  Ururad Dowliga iyo Dowladaha sida aadka
ah u daneeya arrimaha Soomaaliya “ayey yiraahdeen Hagaamiyaashaas Dhaqan ee Hogaamiya Afartaas Beelood  waxaana hoos aad ka heli kartaa   Qoraalkii ay soo saareen   Suldaanada,Ugaasyada,Garaadada Beelahaas   isagoo ku qoran Afka Ingiriiska  waxaana ku saxiixnaa Qoraalkaas.

1- Ugaas Cabdiraxmaan Cismaan Sagal (Beesha Geri Koombe

2- Suldaan Saciid Guuleed Muuse (Beesha Kaskiqabe)    00252616250919

3- Garaad  Cabdulaahi Maxamuud Dacar Tamaam (Geesaguule)

Jaamac Xasan Ibraahim (Beesha Absame

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)