|
Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saakay la dhigay Ciidamo aad u fara badan
Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saakay la dhigay Ciidamo aad u fara badan.
Iyadoo la filayo maanta inuu si rami ah magaalada Muqdisho uga furmo shirka lagu ansaxinayo dastuurka cusub ee qayada ah ayaa wadooyinka Muqdisho saaka la soo dhoobay ciidamo ka torsan dowlada KMG ah.
Ciidamada wadooyinka la soo dhoobay ayaa la sheegay inay sugayaan amaanka guud ee caasimada, waxaana la arkayay barakoontarool oo dadka iyo gaadiidka lagu barayay.
Saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in weeraro qorsheysan ama qaraxyo ay magaalada ka geystaan kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa tilmaamay in howgalo iyo roondooyin ay sameynayaan ay uga hortagayaan weerarada ay maleegayaan kooxda Al-shabaab.
Maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu uga furmo xarunta akadeemiyada Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho shirka lagu ansaxinayo Dastuurka kaasoo marar bada dibudhac uu ku yimid.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|