|
Ciidamada Itoobiyaanka oo ku xir xiray Baydhabo Taliyaha Boliiska Bay iyo Bakool
Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Itoobiyaanka oo ku xir xiray Baydhabo Taliyaha Boliiska Bay iyo Bakool
Wararka goor dhow oo maanta ah aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ee magaaladaasi ku sugan inay xababsiga u taxaabeen saraakiil sar sare oo Dowlada Soomaaliya ka tirsan.
Wararka ayaa tilmaamaya in saraakiisha la xirey ay kala yihiin Taliyaha Boliiska ee Gobolada Bay iyo Bakool Aadan doodisho iyo Taliyaha Boliiska Magaalada baydhabo Aadan Biid.
Saraakiil Dowlada ka tirsan oo baydhabo ku sugan ayaa sheegay in sababaha xarigaani keentay ay tahay is qabqasi dhinaca maamulka inkastoo uusan faahfaahin waxa uu yahay is qabqabsigaasi.
Dhanka kale odayaal reer Bay iyo Bakool ayaa la soo shegayaa inay ku howln yihiin sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen sarakiishaasi sar sare ee Itoobiyaanku xirxirteen bilaa sharci.
Si kastaba xaigaani ayaa qeyb ka ah ihaanada Itoobiyaanku ku hayaan saraakiisah iyo madaxda Dowlda KMG ah mar hadii amar la'aanta Madaxad Dowlada Soomaalia ay iyagu sarkaalkii ay doonaan isba qabsanayaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|