Somali News
    Hees  

Dadka ku dhaqan degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi oo laga mamnuucay in ay u safraan Baladweyne

Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dadka ku dhaqan degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi oo laga mamnuucay in ay u safraan Baladweyne

Wararka laga hellayo degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in horjoogayaasha Al-shabaab mamnuuceen dadka halkaa ku dhaqan in ay u soo safraan degmada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Dad ku sugan labada degmo oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in amarkaasi yahay mid la dul dhigay dadka ku dhaqan Buula-burte iyo Jalalaqsi, iyadoo lagu tilmaamayo magaalada Baladweyne.

Amarka oo kaliya ma’aha in uu saameynayo cidii u safarta degmada Baladweyne oo kaliya, laakiin waxaa xusid mudan in sidoo kale uu saameyn ku yeelan doono dadka ka soo safra Baladweyne ee taga labada degmo oo la aqoonsa doono ayeey sheegeen kuwa la shaqeeya wax ay ugu yeereen cadawgga.

Talaabadan ay qaadeen horjoogayaasha Al-shabaab ee gobollka Hiiraan ayaa u muuqda mid ay ku doonayaan in ay ku kala go’doomiyaan dadka ku dhaqan qeybaha gobollka ka kooban yahay, waxaan talaabadaas aad uga carooday dadka ku dhaqan labada degmo oo ay Al-shabaab maamulaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)