barnaamij si toos ah looga dhageeysanayay idaacadda Qaranka Sweden SR ayaa maanta lagu wareeysatay Yaasiin Maahi oo ah musharax u tartamayo xilka madaxtinimadda soomaaliya waxaana uu kaga hadlay arimo badan oo muhiim u ah xaaladda soomaaliya gaar ahaan marxaladda kala guurk ah ee iminka taagan .
Maahi sida uu u sheegay idaacadda qaranka Sweden SR P4 waxaa uu tibaaxay in su'aashooda ugu muhiimsan ee doorashada ay noqon doonto mid laxiriirta sidii soomaaliya looga saari lahaa saboolnimada waxaana uu ku tilmaamay saboolinimadu iney tahay dhidaalka argagixisada.
Isagoo sidoo kale intaasi raaciyay in shacabka soomaaliyeed ay ku daaleen qabqablayaal dagaal oo talada dalka horboodayo waxaana islamarkaana uu sheegay iney muhiim tahay in isbadal la helo si looga gudbi dhibaatooyinka joogtada ah.
Maai waxaa uu sheegay sidoo kale iney muhiim u tahay arimo ay kamid yihiin caafimaadka biyaha,waxbarashada, iyo wax soosaarkuba
Yaasiin maahi oo ah somali Swidhish daganaa Dalka Sweden muddo 20 sano ah waxaana uu siyaasadda Sweden ku jiray tan iyo 1997-dii.
Maahi haatan waxaa uu ka tirsan yahay golaha deegaanka magaalada katrineholm iyo guddiga maamulka degmadaasi waxaana uu sidoo kale fadhiyaa baarlamanka gobolka Sörmland ee dalka Sweden.
Maahi waxaa uu tartamidoonaa doorashada madaxtinimada soomaaliya ee 20-ka agoosto ka dhici doonto gudaha magaalada Muqdisho.