Somali News
    Hees  

Al-Shabaab oo u hanjabay Odayaasha iyo ergada ansaxineysa Dastuurka Cusub ee Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Al-Shabaab oo u hanjabay Odayaasha iyo ergada ansaxineysa Dastuurka Cusub ee Soomaaliya.

Iyadoo maanta oo Arbaco ah lagu wado in si rasmi ah uu uga furmo magaalada Muqdisho shirweynaha lagu ansaxinayay Dastuurka cusub ee qabyada ah ayaa kooxda Al-shabaab waxa ay ku hanjabtay in il-gaar ah ay ku heyso Odayaasha iyo ergada ansaxineysa Dastuurka.

Ninka u qaabilsan Al-shabaab Gobolka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Cumar "Abuu C/raxmaan" ayaa ku eedeeyey odayaasha dhaqanka inay iibsadeen dalka isla markaana ay u adeegayaan Gaalada sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo u waramayay idaacada Al-andanus ee ku hadasha afka Shabaabka ayuu ku hanjabay Abuu C/raxmaan in Talaabo adag ay ka qaadi doono Odayaasha dhaqanka iyo ergada ansaxineysa Dastuurka, isagoo is weydiiyay cida ay matalaan.

"Kuwa ay lee-yihiin Odayaal Dhaqameedyo horta yey matalaan, Gobolkee ayay ka socdaan, yaana soo dirsaday waxaas oo dhan in leys weydiiyo ayaa la rabaa" ayuu yiri sheekh Maxamed Xasan Cumar oo ku tilmaamay odayaasha calooshood u shaqeystayaal Gaalada uga soo qaatay lacag, sidii Dastuurkaan ay u dhaqan-gelin lahaayeen.

Waxaa uu tilmaamay Abuu C/raxmaan in odayaasha iyo ergada ay soo xuleen ay yihiin kuwo doonaya in dalka dhibaato hor leh uu sii galo hase yeeshee waxaa uu xusay inay la dagaalami doonaan isla markaana ay ka hortagi doonaan in la ansaxiyo dastuurka waayo buu yiri waxaan ognahay inuu ka hor imaanayo Islaamka.

Hadalka ka soo yeeray Al-shabaab ayaa waxaa uu imaanayaa xili maanta ah inuu si rasmi ah u furmo shirweynaha lagu ansaxinayo dastuurka cusub ee qabyada ah kaasoo mudooyinkii u danbeeyay laga soo shaqeynaya sidii loo nasxin lahaa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)