Somali News
    Hees  

QM oo Mareykanka ku eedeysay in Diyaaradaha Maraykanka ee duuliye la’aanta ah Soomaaliya hawl galo dhawr ah ka sameeyeen

Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

QM oo Mareykanka ku eedeysay in Diyaaradaha Maraykanka ee duuliye la’aanta ah Soomaaliya hawl galo dhawr ah ka sameeyeen.

War ay diyaariyeen guddi gaar ah oo Q,M ka tirsan ayaa waxay ku sheegeen in diyaaradaha dagaalka ee kaligood is wada ee Maraykanku leeyahay ay carqalad ku noqdeen hawada Soomaaliya isla markaana ay qal qaliyeen diyaaradaha kale ee isticmaala hawada.

Sida warbixintu xusay diyaaradahaan duuliye la’aanta ah ee Maraykanka si aan kala joogsi laheyn u maraan guud ahaan hawada Soomaaliya gaar ahaan gobolada ay hadda gacanta ku hayaan Xarakadda Al-Shabab.

Warbixintaan ay Q,M diyaarisay waxay leedahay marka loo eego gobolada ay maamulaan Al-Shabab iyo degmooyinka kale ee dhawaan laga qabsaday diiyaaradaha Drone,s ka la yiraahdo kama baxaan hawada.

Wargeyska warbixintaan qoray ee Washington Post waxaa uu ku waramayaa in tirada diyaaradaahaan oo batay ay xataa keentay in mid ka mid ah ay Muqdisho kusoo dhacdo.

Gudigaan Q,M ka tirsan ee warbixintaan diyaariyay oo sheegay inay muddobaaritaan ku hayeen arrintaan waxay xuseen inay aad u kordheen diyaaradaha kaligood iswada ee Maraykanku hawada Soomaaliya ku soo firdhiyay tan iyo markii uu Maraykanku saldhigyo ciidanka furtay dalka Ethiopia sanadkii hore iyo jaziirada kale ee Seychelles,oo badweynta Hindiya ku taala.

Diyaaradaha Maraykanka ee duuliye la’aanta ah Soomaaliya hawl galo dhawr ah ayay ka sameeyeen waxaana ay ku kharaajiyeen xubno Al-Shabab iyo Al-Qacida ka tirsanaa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)