Somali News
    Hees  

Dowladda Mareykanka oo beenisay in ruux u shaqeeya CIA-da Shababku ay ku dileen gudaha dalka Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowladda Mareykanka oo beenisay in ruux u shaqeeya CIA-da Shababku ay ku dileen gudaha dalka Soomaaliya.

War ay soo saartay safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya ayaa waxaa waxba kama jiraan loogu sheegay war ay Xarakadda Al-Shabab ku sheegtayinay degmada Marka ku dishay rag u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Warkaan oo lagu qoray bogga ay safaaraddu leedahay ayaa waxaa lagu xusay inaysan jirin cid Maraykanka shaqaysa ay Shabaab dileen.

Afhayeen safaaradda u hadlay ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka war qabin shaqsiyaad u shaqeynayay hay’adda CIA,da Maraykanka oo Shababku qabteen ama ay dileen.

"Ma jirto cid noo shaqeysa oo Shababku dileen kamana war qabno" ayuu afhayeenkaasi waxaana uu intaa ku daray in Xarakadda Al-Shabab ay warkaasi buun buunisay sida uu yiri.

Afhayeenkaan u hadlay safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay dalka Kenya waxaa hadalkiisa ku sheegay in Al-Shabab ay dhawr jeer Soomaaliya ku dileen dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan hay’adaha sirdoonka Maraykanka.

Al-Shabab ayaa dhawaan meel fagaaro ah oo magaalada Marka ku taala waxay ku tooogteen Sadex ruux oo 2 ka mid ahay eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen hay’dda Maraykanka u qaabilsan dhinaca sirdoonka ee CIA, da la yiraahdo kuwaasoo ku lug lahaa sida Shabab sheegay dilal loo geystay xubno Soomaali iyo ajanabi iskugu jiray oo Shabab ka tirsanaa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)