Somali News
    Hees  

Shirka lagu ansixinaayo Destuurka Cusub ee Soomaaliya oo goordhow ka furmay Magaaladda Muqdisho

Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shirka lagu ansixinaayo Destuurka Cusub ee Soomaaliya oo goordhow ka furmay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa saacad ka hor ka furmay Magaalada Muqdisho kulankii malmahaanba la sugayay ee la xiriiray Shirweynaha Ansixinta Dastuurka magaalada Muqdisho, iyadoo Ergooyinka shirkaasi ka qeybgalaaya ku soo qul qulaaya xarunta uu shirka ka socdo.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaaya 825-Ergo oo ka kala socdda beelaha Soomaaliyeed ayaa ka hadli doona sidii loo ansixin lahaa dastuurka lagu muransan yahay ee beriyihii ugu dambeeyay uu dib u dhac ku imaanayay ansixintiisa.

Furitaanka kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galaaya madaxdda sar sare ee dawladda Soomaaliyeed , diblumaasiyiin ka kala socdda beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay
Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadlay ayaa cadeeyay in ergadda ansixineysa dastuurka ay 95% ay diyaar yihiin waxaana uu xusay in in shirka ergadda ansixinta Dastuurka uu socon doono ilaa 1-da bisha Agosto.ee sanadkaan 2012ka.

Waxa uu sheegay wasiirku in magaaladda muqdisho ay xiligaan ku sugan yihiin ergo gaareysa ilaa 700 inta hartayna la soo dhameystiri doono waxaana uu sheegay in isla maanta, Ergooyinka ay xaadir ku ahaan doonaan xarunta shirka oo ah dugsiga tababarka ee School Polizio, maadaama la marayo baaritaan, si 9-ka subaxnimo uu furmo shirka.
 
Wasiirka ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ee uu dib u dhaca ku imaanayay shirka ay arintaasi ahayd cilad dhinaca farsamada ah, isagoo xusay in wixii khilaafaad ahaa ee ku saabsanaa ergadda la xaliyay, isla markaana maalintii shalay ahayd la soo gaba gabeeyay.

Shirka Ansixinta dastuurka ayaa ergooyin ka kala socda gobolada dalka iyo qabaa’ilka Soomaaliyed ay si KMG ah ku ansixin doonaan Dastuurka oo shaqeynaya muddo afar sanno ah, kadibna loo qaadi doono afti dadweyne.waase hadii ay arintaasi hergasho.

Kulanakaan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka hadlaan saxiixayaasha iyagu soo dhiraandhirinayay Roud mapka, odoydhaqameydyadda, ergooyinka iyo beesha caalmaka masuuliyiin ka socota sida Ampassadoor mahiga iyo shaqsiyaad kale ee daneynaaya arimaha soomalaiya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)