|
Dowladda uganda oo kordhisay qarashka ku baxa ciidamadeeda jooga somalia
Mogadishu Arbaco 25 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda uganda oo kordhisay qarashka ku baxa ciidamadeeda jooga somalia
Sida uu qoray wargeyska The observer ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, dowladda Uganda ayaa kordhisay qarashka ku baxaya ciidamada Uganda ee ka midka ah kuwa AMISOM eek u sugan dalka Somalia.
Wargeyska the observer ayaa soo xiganaya wasiiro ka tirsan dowladda Uganda oo arintan ku aadan qarasha ciidamada Uganda ka siiyay xog badan.
Ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia ayaa maalin waliba waxaa ku baxeysa sanadkan qarash dhan Shs672Million halka sanadkii hore
maalintii ay ku bixi jirtay Shs376Million, waxana arintani ay muujineysaa ayuu leeyahay wargeyska in 78% uu sara u kacay qarashka ay qaadanayaan ciidamada Uganda ee dhulka Somalia ku sugan.
Wasiirka difaaca dalka Uganda Chrispus Kiyonga ayaa qalinka ku doogay ansixinta dalab kaga yimid barlamaanka dalka Uganda oo isku raacay in la badallo budgetka dowladda Uganda ay sanad waliba ka heli jirtay QM iyo Midowga Africa oo ahaa Shs137bn sanadkiiba islamarkaana la gaarsiiyo Sh 245bn sanadkiiba sida uu qorayo wargeyska The observer.
Simon Mulongo oo ah ku xigeenka guddi barlamaanka Uganda u qaabilsan difaaca iyo arimaha gudaha ayaa wargeyska the observer u sheegay in mas’uuliyad ay ka saarantahay xuquuqda askartooda ku sugan dalka Somalia.
Waxa uu sheegay inuu jiro hishiis is afgarad ah oo Uganda iyo Midowga Africa ay ku gaareyn Addis Ababa , hishiiskaas oo dhigayay in dowladda Uganda ay diyaar l;a tahay qalabeynta Askarta Uganda hubka iyo gaadiidka , midowga Africana ay bixinayaan dharka iyo gaashaanka hubka.
Simon Mulongo ayaa u sheegay wargeyska in haatan uu xaalka is rogay oo ay AMISOM ay isticmaaleyso diyaarado dagaal , waxana Uganda hishiis kale ay la geli doontaa midowga Africa .
Budgetka sanad waliba ay heleyaan ciidamada Uganda oo ah 245bn ayaa waxa uu leeyahay wargeyska waxa uu ka badanyahay budgetka sanad waliba ay hesho wazaaradda Garsoorka iyo arimaha dastuurka oo gaaraya Shs 186.9bn.
Sida ka muuqata warbixintan lagu qoray wargeyska The observer waxaa sara u kacaya mushaaraadka ay qaataan askarta Uganda.
Midowga Africa ayaa bixiya mushaaraadka balse dowladda Uganda ayaa xaq waxa ay u leedaahay in askarteeda ay lacagta u qeybiso.
Inkastoo ciidamada AMISOM loo qoondeeyay in tiradooda la gaarsiiyo 17,730 askar ayaa dowladda Uganda Somalia waxaa kaga sugan ciidamo gaaraya 6,700 oo askari , waxana mishear ahaan ay ka badan yihiin ciidamada kale ee ka socda Burund , Djibouti iyo Kenya .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|