Somali News
    Hees  

Dibadbaxyo lagu taageersan yahay shirka ansixinta Dastuurka oo saakay ka bilowday Muqdisho

Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Dibadbaxyo lagu taageersan yahay shirka ansixinta Dastuurka oo saakay ka bilowday Muqdisho


Dibadbaxyadii ugu waaweyn ee abid ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa saakay ka bilowday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu taageerayo shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyo qoraalka ah ee ka furmay xarunta dugsiga Booliska ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha dibadbaxaya ayaa socod dheer ku soo maray waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo sita boorar ay ku qoran yihiin qoraallo lagu taageerayo shirka iyo qaar kale oo lagu gubaabinayo ergada ka qeyb galeysa ansixinta dastuurka inay degdegjiyaan howlahooda.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho ee iyagu dibadbaxyada ka qeyb qaadanaya ayaa ku soo labistay calanka Soomaaliya, iyagoona gacmaha ku sida calanka Soomaaliya, boorar iyo caleemo qoyan oo ay ku muujinayaan farxadda ay u qabaan shirka ansixinta dastuurka.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee iyagu qaabilsan nabadgelyada goobta uu shirku ka dhacaya ayaa dusha ka eegaya dibadbaxayaasha oo socod ku maraya waddooyinka u dhow madasha shirka lagu ansixinayo.

















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)