Somali News
    Hees  

Ciidamo Ingiriis ah oo la sheegay inay AMISOM ku gacan siiyaan dagaalada ay Shabab kula jiraan

Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidamo Ingiriis ah oo la sheegay inay AMISOM ku gacan siiyaan dagaalada ay Shabab kula jiraan

Saraakiil ciidan oo u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa la sheegay inay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku caawiyaan dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab.

War laga soo xigtay waaxda difaaca wadanka Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa iyo 10 sarkaal oo qubaro ah oo Soomaaliya ku sugan ay ciidamada AMISOM ku caawiyaan dagaalada ay Shababka kula jiraan.

Warkaan waxaa uu xusayaa in saraakiishaan ciidamada Ingiriiska ka tirsan ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ku gacan siiyeen qabsashaada degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo labada shabeele ka kala tirsan.

Afhayeen aan magaciisa sheegin oo u hadlay waaxda arrimaha difaaca wadanka Ingiriiska oo BBC World Service la hadlay ayaa xaqiijiyay inay.

Soomaaliya gaar ahaan degmada Afgooye ka joogaan saraakiil ciidan oo talo bixiyaal ah hase ahaatee aan wax dagaal ah ku lug laheyn sida afhayeenku xusay.

Sida ay tabinayaan warbaahinta dalka Ingiriiska saraakiishaan Ingiriiska aha ayaa cciidamada midawga Africa ku siiya furumaha
dagaalka waxaana ay kala qeyb qaataan dagaalada ay ciidamada AMISOM galaan.

Ciidamada AMISOM iyo dawlada KMG ayaa  taageera uga hela dagaalada ay ku jiraan wadamada beesha Caalamka gaar ahaan Midawga Yurub iyo Maraykanka.

Saraakiil ciidan oo Maraykan ah ayaa sidoo kale la sheegaa in dagaalada ay ciidamada AMISOM ku caawiyaan.

Xarakadda Al-Shababab ayaa iyana waxaa ka bar bar dagaalama dagaalyahano Al-Qacida ka tirsan oo aan Soomaali aheyn.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)