|
Daladaha Waxbarashada oo ka soo horjeystay in
ay Isticmaalaan Shaahaadoyinka Dowlada ay leedahay
Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Daladaha Waxbarashada ee Somaliya ayaa Maanta ka soo horjeystay in
Ardaydu Shirci ahaan Isticmaalaan Shaahaadoyinka Dowlada ay leedahay
Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen daladaha waxbarashada ee dalka
Soomaaliya ayaa waxa ay kaga soo horjeesteen go’aan kasoo baxay
Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG oo ku aadanaa in ardeyda dugsiga
sare ay qaataan shahaadooyin ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada
Dalka.
Gudoomiyaasha Daladaha waxbarasho ayaa waxa ay sheegeen in mudo 21
sano ay jireen daladaha waxbarasho dadaal badana ay ku bixiyeen sidii
wax loo bari lahaa ardeyda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in
Shahaadada dowladda aan laga aqoonsaneen Caalamka isla markaana
dowladu aysan gacanta ku hayn manhaj mideysan.
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadatay go'aanka ay ku
sameysay shahaadooyinka kadib markii Caalamka ay ku jahwareereen
shahaadooyin kala duwan oo ay wataan Ardeyda u waxbarasho taga dalka
dibadiisa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|