Somali News
    Hees  

Ciidamada AMISOM “ Dhamaadka Bishan Baydhabo waan la wareegenaa Sugida Amnigeeda”

Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidamada AMISOM “ Dhamaadka Bishan Baydhabo waan la wareegenaa Sugida Amnigeeda”

Ciidamada Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Qeybtooda ku sugn Baydhabo oo 100 askari ka kooban ayaa waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan sugidda amniga Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay
tageen bishii Apriil ee sannadkan.

Gaadiid dagaalka oo ay leeyahiin Ciidamada AMISOM ayaa maalin walba si joogto ah loogu arkaa iyagoo dhexmaraya bartamaha Baydhabo, iyadoo saraakiil ka socda AMISOM ay iyaguna booqashooyin ku tagaan Magaaladasi.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, waxayna Magaaladasi ahayd halkii ugu horreysay oo la geeyo ciidammo ka socda Midowga Afrika tan iyo markii ay howgalkooda nabad ilaalineed ka billaabeen magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan degmada Baydhabo ayaa laga soo xigtay in ciidamada AMISOM ay la wareegi doonaan ammaanka Baydhabo dhammaadka bishan July oo ay maalmo ka harsan
yihiin.

Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayaa waxaa la geeyay degmada Baladweyne oo ka mid ah degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday lix bilood ka hor, waxaana ciidanka la geeyay halkaas ay ka socdaan dalka Jabuuti.

Dhanka kale, waxaa maalintii labaad xabsiga Baydhabo ku jira taliyihii qaybta booliiska ee gobolka Bay iyo taliyaha saldhigga Baydhabo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay fududeeyeen falal ammaan-darro oo magaaladaas ka dhacay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)