Somali News
    Hees  

Golaha Amaanka oo waqtiga u kordhiyay guddiga daba galka cuna qabataynta hubka ee saaraan Soomaaliya iyo Eritrea

Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Golaha Amaanka oo waqtiga u kordhiyay guddiga daba galka cuna qabataynta hubka ee saaraan Soomaaliya iyo Eritrea

Golaha amaanka ee Q,M ayaa waqti kordhin u sameweyeen guddiga dabagalka cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea.

War saxaafadeed ka soo baxaty golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaan hawshooda daba galka cuna qabataynta ay sii wadi doonaan illaa iyo sanad kale iyagoo si gaar ah ula socon doona dhaq dhaqaaqyada hubka ee Soomaaliya gala.

Warkaan ka soo baxay golaha amaanka ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaan ay si gaar ah markaan uga shaqeyn doonaan la socoshada wadasmada sida gaar ah ugu xad gudbay cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya iyo saaraniyagoo kontorooli doonaan dekedaha, garoomada iyo
wadooyinka uu hubka Soomaaliya kasoo gala waxaana ay hawshaan sii wadi doonaan illaa iyo 25 bisha August ee sanadka dambe ee 2013 sida war saxaafadeedka ku qoran.

Goluhu waxaa uu xusay in guddigaan hawshooda aysan ku jirin agabtada military ee uu adeegsanayo xafiiska Q,Mu qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNPOS la yiraahdo.

Gudigaan qubarada ah ee Q,M u qaabilsan la socodka cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea waxay dhawaan warbixin ay soo bandhigeen oo dhawr bog ka kooban u gudbiyeen golaha amaanka ee
Q,M taasoo dhawaan meel fageere ah looga doodi doono.

Dhinaca war saxaafadeedka ka soo baxay golaha amaanka ee Q,M waxaa lagu sheegay inay lagama maarmaan in xaaladda ku meel gaarka ah ay Soomaaliya ka baxdo una gudubto xaalad ay dawlad dhexe ugu gudbi karto.

Golugu waxaa uu sheegay inay aad u danaynayaan in 20 August uu Soomaaliya is badal ka dhaco oo dawlad cusub u dhalato.
Sidoo kale golaha amaanku waxaa uu ugu baaqay golaha ansixinta dastuurka ee Muqdisho ku shirsan inay dadajiyaan ansixinta dastuurka si dhaqso loogu gudbo xaaladda hadda lagu jiro.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)