|
Wasiirka Dastuurka: " Waa markii ugu horaysay mudo 43 sano ah Soomaaliya loo sameeyo Dastuur, waxayna sabab u noqotay Dastuur la’aanta in dalkeenu uu galo dagaal sokeeye.."
Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasiirka Dastuurka: " Waa markii ugu horaysay mudo 43 sano ah Soomaaliya loo sameeyo Dastuur, waxayna sabab u noqotay Dastuur la’aanta in dalkeenu uu galo dagaal sokeeye.."
Waxaa si rasmi ah uga furmay shalay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya shirweynihii lagu ansaxinayay dastuurka cusub ee Soomaaliya kaasoo ay ka qeybgaleen Madaxda ugu sareysa dowlada KMG ah sida madaxweynaha, R/wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wkiilka Q/midoobay ee Soomaaliya Mahiga, AU, IGAD, Jaamacada Carabta,Galmudug, Ahlu-Suna-Waljamaaca, Puntland iyo marti sharaf kala.
Hadaba Wasiirka dastuurka iyo Dibuheshiisiinta xukumada KMG C/raxmaan Xoosha Jibriil ayaa sheegay in 06-Sep 2011 uu soo bilowday Road map-ku kadib shir ay isugu yimaadeen madaxda Soomaalida iyo beesha Caalamka ayaa lagu asteeyey barnaamijka Road Map-ka kaas oo ka koobnaa afar qodob, oo kala ah Xasilinta dalka, Dib-uheshiisinta, Dowladd Wanaaga iyo Dastuur u samaynta Dalka si looga baxo KMG.
"Waxaan go’aansany inaan howshaan Culus hirgalino waxaana la kulanay caqabado faro badan, balse waxaa mahad iska leh madaxda qaranka oo muujiyey dadaal faro badan, waana markii ugu horaysay mudo 43 sano ah Soomaaliya loo sameeyo Dastuur, waxayna sabab u noqotay Dastuur la’aanta in dalkeenu uu galo dagaal sokeeye waxaana meesha ka baxay sharcigii aan dagsanay sidaas daraadeed maanta waxaa noo bilowday taariikh cusub waxaana rajaynaynaa in sideed maalmood ee soo socota lagu ansixiyo Dastuurka KMG" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh jibriil.
Shirweynaha lagu ansaxinayo dastuurka cusub ee qabyada ah ayaa si weyn loo sugayay, iyadoo dadka qaar ay u rakayeen in lagu fashilmay ansaxinta Dastuurka maadaama marar badan uu dibu dhac ku yimid.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|