|
Shirka ansixinta dastuurka oo maalintii labaad galay iyo qodobo ay ka doodayaan ergada
Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shirka ansixinta dastuurka oo maalintii labaad galay iyo qodobo ay ka doodayaan ergada
Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka qabyo qoraalka ah ee muranka faraha badan dhaliyay, iyadoo xubno ka badan 825-xubnood ay maalintii labaad ka doodayaan qodobo ka mid ah dastuurka.
Shirka oo ka socda xarunta dugsiga tababarka Booliska gaar ahaan akadeemiyada Jan. Kaahiye, ayaa waxaa si weyn looadkeeyay ammaanka, iyadoona ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka u dhow goobta uu shirku ka socdo.
Madaxda sare ee Dowladda KMG ah oo iyagu shalay shirka furay ayaa ka dalbaday ergada ansixineysa dastuurka inay dedejiyaan, bacdamaa wakhtigu aad u kooban yahay, iyagoona ka dalbaday in dastuurka la ansixiyo si horay loogu sii wado geedi socodka nabadda ee dalka ka socota.
Dhinaca kale mudada 9-ka maalmood ah ee ergada ay ku ansixinayaan dastuurka qabyo qoraalka ah ayaa la ogeyn inuu xilligaasi ku dhammaanayo, bacdamaa ergada ay ka doodayaan qaar ka mid ah qodobada dastuurka, inkasta oo aanay weli si dhab u guda gelin qodobada dastuurka ee qaarkooda muranka uu ku jiro.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|