|
Xildhibaan Ghedi: "Saddex qodob oo muhiim ah su'aalo ayaa ka taagan"
Mogadishu Khamiis 26 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xildhibaan Ghedi: "Saddex qodob oo muhiim ah su'aalo ayaa ka taagan"
Xildhibaan Maxamuud Ow Geeddi Hilowle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda wadanka mar aynu ku booqanay Hotelka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka marka hore in guud ahaan jawiga dalka uu yahay mid ay ka muuqato ifafaale yididiilo nabadeed leh isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u muuqdaan kuwo ka daalay waxyaabihii dhibaatooyinka miiran ahaa ee ay soo mareen mudada 21-ka sano ahayd.
Xildhibaan Ghedi dhinaca kale waxa uu tilmaamay in iftiinka nabadda iyo horumarka dalka ka socda ay astaan cad u tahay marka aad eegto sida qurba joogta ugu soo qulqulayaan magaalada, xubno ka tirsan saraakiishii hore, fannaaniin iyo dad in muddo ah ka maqnaa dalkoodii.
"Qurba joogta ku soo qulquleysa dalka waxay astaan u yihiin rajadii Soomaaliya oo dib u soo laabaneysa, markii ay arkeen dalkoodii oo dib u dhismayo ayay aad u korortay kalsoonida ay ku qabaan inay dalkooda dib ugu soo laabtaan" ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Ow Ghedi Hilowle.
Dhinaca kale Xildhibaanka oo aan hor dhignay su'aal ahayd aragtidiisa ku aadan marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo, ayaa sheegay in xilligaan aan la saadaalin karin hannaanka siyaasadda, hase yeeshee waxa uu carabaabay in su'aal ka taagan tahay saddex qodob oo muhiim ah.
"Saddex qodob oo muhiim ah su'aalo ayaa ka taagan, waa tan koowaade qaabka loo soo xulayo ergooyinka ansixineysa Dastuurka, qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka cusub iyo habka ay u dhaceyso doorashada Madaxweynaha" ayuu yiri Xildhibaan Ghedi oo dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay adkeeyaan nabadgelyada magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in mar uun laga abaal marin doono haddiiba jiraan shaqsiyaad, ama maamullo, kooxo iwm oo ku xadgudubtay xuquuqda shacabka maxkamad lagu soo taagi doono.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|