Somali News
    Hees  

Safiirka imaaraadka carabta ee QM : "Haddii la hormariyo tayada ciidamada Soomaalida waxaa la xallin karaa dhibaatooyin badan.."

Mogadishu Jimco 27 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Safiirka imaaraadka carabta ee QM : "Haddii la hormariyo tayada ciidamada Soomaalida waxaa la xallin karaa dhibaatooyin badan.."

Safiirka imaaraadka carabta u fadhiya QM Abdulkhaleq Bin Dhaaer Al Yafei ayaa sheegay in dowladdiisa ay ballaarineyso taageerada ay siineyso ciidamada dowladda Somalia islamarkaana ay isku howleyso sidii ay u hormarin laheyd tayada ciidamada Soomaalida.

Abdulkhaleq Bin-Dhaaer Al-Yafei waxa uu sheegay in talaabadan kor loogu qaadayo tayada ciidamada Somalia ay ku doonayaan in lagu soo afjaro dhibaatada Somalia oo uu tilmaamay in xallinteeda aas aas ay u tahay sameynta ciidamo tayo leh oo dalka Somalia uu yeesho.

"Haddii la hormariyo tayada ciidamada Soomaalida waxaa la xallin karaa dhibaatooyin badan oo burcad badeednimo ay ugu horeyso, sidaa darted dowladda imaaraadka waxa ay isku taxalujineysaa sidii tababar ay ugu sameyn laheyd ciidamada badda iyo kuwa kale ee dalka Somalia "ayuu yiri safiirka imaaraadka carabta u fadhiya QM.

Imaaraadka carabta ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha ku bahoobay khaliijka waxana marar badan ay shaacisay inay hor marineyso tayada ciidamada dowladda Somalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)