|
Madaxweyne Obama oo hal sano ugu daray xayiraadda uu saaray Burcad badeeda, qaswadayaal iyo Al-Shabaab
Mogadishu Jimco 27 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Obama oo hal sano ugu daray xayiraadda uu saaray Burcad badeeda, qaswadayaal iyo Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha mareykanka Barrak obama ayaa lagu sheegay in dowladda mareykanka ay muddo hal sano ah ay
kordhisay xannibaadii mareykanku uu saaray shaqsiyaadka iyo ururada ka soo horjeeda qorshaha tubta nabadda Somalia oo uu ku tilmaamay
qaswadayaal, kooxaha burcad badeedda soomaalida oo qal qal geliyay amaanka gaadiid badeedka iyo xarakada al shabab oo dagaallo ka wada
dalka Somalia waa sida ku qoran warka uu soo saaray Barak obama.
Warka ka soo baxay madexweynaha dalka mareykanka barak obama ayaa lagu yri:
"Madaxweynuhu isagoo tixraacaya qaraarka tirsigiisu yahay 13536 ee soo baxay 12kii april,2010 waxaa block ama xayiraad la saaray hantida ay
leeyihiin dad Somalia ah oo uu ku tilmaamay inay nabadda u diidan yihiin dalka Somalia ee taala dalka mareykanka , iyo go’doon dhinaca
safarada ay geliyaan ah si loogu cadaadiyo inay joojiyaan howladaha carqaladeynta ah oo ay wadaan"waa sida ku cad warsaxaafadeedka,
waxana intaa la sii raacsiiyay in sidoo kale si aad ah dowladda mareykanka ay kordhineyso ugaarsiga waxa uu ku sheegay argigixisada
ee ku sugan dalka Somalia kuwaas oo doonaya in Somalia ay ka dhigtaan goob ay ka soo qorsheeyaan falalka argigixisinimo oo ay ku
waxyeelanayaan danaha Mareykanka.
Gagabadii warsaxaafadeedka uu soo saaray Obama ayaa waxaa baaq loogu jeediyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku howlan dar dar gelinta
howlaha lagu wado in muddo labo bilood gudahood lagu soo afjaro , waxana loogu baaqay inay isku howlaan sidii umadda Soomaaliyeed
dhibaatada ay uga samatabixin lahaayeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|