|
Afhayeenka AMISOM oo sheegay inuu dhamaaday wajigii hore ee dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab
Mogadishu Jimco 27 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Afhayeenka AMISOM oo sheegay inuu dhamaaday wajigii hore ee dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa shaaca ka qaaday inuu soo gabagaboobay wajigii koowaad ee howlgalkii ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
"Wajigii koowaad ee howl galada waan soo gaba gabeynay, wuxuu ahaa xoreynta Shabelle, waxaan dhowaan u gudbi doonaa deegaano kale, wajiga labaad ayaana la geli doonaa"ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka inay qorsheynayaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaanada kale ee ka baxsan Muqdisho iyo shabeelooyinka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ujeedkooda ug weyn uu yahay sidii ay qabsan lahaayeen magaala xeebeedka Kismaayo.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa u suura gshay bilihii May iyo juun inay la wareegaan degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo min 30-Km koonfur iyo waqooyi uga kala beegan Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|