Somali News
    Hees  

Afhayeenka Barlamanka wadanka Denmark: "America xaq u malaha in ay ka talaabto xuduudaha dowlado madaxbanaan

Mogadishu Jimco 27 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Afhayeenka Barlamanka wadanka Denmark: "America xaq u malaha in ay ka talaabto xuduudaha dowlado madaxbanaan, arintan waxaan u aragnaa mid xadgudub weyn ku ah qawaaniinta caalamka u dagsan..."

Waxaa sii kordhaya carada laga muujinayo weerarada ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka ee droneska la yiraahdo, dowlada Copenhegan ayaa ku biirtay dalalka ka soo jorjeestay qorshaha Mareykanku uu ku baneystay weerarada duqeymaha uu ka fuliyo dalalka Somaliya,Yemen,iyo
Pakistan.

kulan ay ku yeesheen magalada Copenhagen ee xarunta wadanka Denmark ayaa barlamanka Danishku waxaa ay si kulul u cambaareeyeen duqeymaha dhinaca hawada ay fuliyaan diyaaradaha aan cidna wadin ee droneska layiraahdo.

Afhayeenka Barlamanka wadanka Denmark Rusmensun Peter ayaa wax lala yaabo ku mataalay duqeymaha Mareykanka uu ka geysanayo qaarkamida dalalka caalamka gaar ahaan wadamada Somaliya,Yemen iyo Pakistan oo noqday goobaha ugu badan ee Mareykanka uu duqeymahaasi ka geysto.

"America xaq u malaha in ay ka talaabto xuduudaha dowlado madaxbanaan, arintan waxaan u aragnaa mid xadgudub weyn ku ah qawaaniinta caalamka u dagsan" ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka wadanka Denmark.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in dowlada Mareykanka ay sameyneyso wax aad looga xumaado, waxaana uu walaac ka muujiyay sida uu ku dambeyndoono xariirka Mareykanku uu la leeyahay caalamka intiisa kale, dowlada Mareykanka ayaa lagu eedeynayaa in ay si bareera ugu xadgudubto wadamada ay ku tuhmayso in ay ku suganyihiin raga lagu tiriyo argagixisanimada.

In kabadan 1000 qof o rayid ah ayaa la aaminsanyahay in ay ku dhinteen weerarada diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyaan wadamadan, xukumada Washinton waxay sheegtay in bartilmaameedka weerarada dronesku ay yihiin hogaamiyayaasha baxsadka ah ee ururka Aqaacida hase yeshee qasaaraha rayid ee ka dhashay duqeymahaasi kama weecin Mareykanka in uu sii wado weeraradaasi.

Diyaaradaha droneska ayaa si qaldan u duqeeyay goobo dad rayid ah ay ku sugnaayeen wadanka Yemen sandkii 2010 kii, waxana sidoo kale ay dileen 24 kamida askarta wadanka Pakistaan, iyo tiro kale oo ku dhintay duqeymahii Mareykanku uu ka sameeyay wadanka Somaliya sandkii 2008dii, iyo sandkii 2011 kii.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii gudi ka socday golaha amaanka qaramada midobay oo uu ku jiro siyaasiga rugcadaaga reer PakistanCimran Khan ay siweyn ugu eedeeyeen dowlada Mareykanka in ay xadgudubyo ka galeyso dalalka Somaliya,Yemen, iyo Pakistan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)