|
Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo ku baaqay in Fadliga bisha Ramadaan dadka masaakiinta loo gar gaaro
Mogadishu Jimco 27 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo ku baaqay in Fadliga bisha Ramadaan dadka masaakiinta loo gar gaaro
Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bayaan ay soo saareen ugu baaqay shacabka Muslimiinta in bisha barakeysan ee Ramadaan fadligeeda ay isu gurmadaan, waxaana ay ugu baaqeen shacabka inay ka faa'ideystaan kheyrka bisha ay leedahay.
Bayaanka Culimada ayaa lagu sheegay in bisha Ramadaan ay tahay bil Raxmad leh, isla markaana bisha la soo dejiyay quraanka, waxaana ay xuseen in laga faa'ideysto maalmaha bishan.
Culimada ayaa sheegay in waajibaadka qofka Soomaan uu ka xariman yahay raashinka, biyaha iyo wax alle wixii xaaraan ah, waxaana ay tibaaxeen in loo baahan yahay in la dhowro waajibaadka bisha Ramadaan.
Sidoo kale waxaa Culimada ay sheegeen in bishan ay ku jirto habeen ka qeyr badan kun habeen oo ah leylatul Qadriga, taasoo Culimada ay tilmaameen in habeenkaas loo kaco sidii Alle bariga iyo ducaada loo badin lahaa.
Waxaa ay Culimada ay intaa ku dareen in bishan ay aheyd bil sadaqada la baxsado ay ugu qeyr badan tahay, isla markaana shacabka aan heysan afurka la afuriyo, si Ajir looga raasado
Ugu dambeyn Culimada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay is cafiyaan, isla markaana ay badiyaan Alle bariga, si dhibaatada 20-ka sano sii jirtay uu Alle ka dulqaado, isla markaana uu Alle u soo dedejiyo dowlad ka samata bixisa dhibaatada gaamurtay.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|