Somali News
    Hees  

Dowlada Uganda oo ciidamada gaarya 3,237 goor dhow usoo direeysa Soomaaliya

Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Dowlada Uganda oo ciidamada gaarya 3,237 goor dhow usoo direeysa Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kampala ayaa sheegaya in Dowladda Uganda ay goordhow u soo dirayso Soomaaliya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan UPDF, kuwaasi oo maalmahaan tababaro ku qaadanaayay Xerada Singo.

Ciidamadaan cusub ee Uganda soo dirayso ayaa loogu talogalay inay Al-Shabaab kula dagaalamaan magaalooyinka ay hada gacanta kuhayaan Sida Kismaayo iyo Baraawe, waana ciidamo qaba tababaro casri ah, iyadoo tiradooda lagu sheegay ciidamadaasi inay gaarayaan ilaa 3237 ciidan ah.

Ciidamadaan UPDF-ta ee Soomaaliya u soo socda ayaa noqonaaya kooxdii tobanaad ee ay Uganda u soo dirto Soomaaliya, waxayna noqonaayaan ciidamadaan kuwii ugu horeeyay ee PDF-ta ah ee loo soo diro Soomaaliya tan iyo markii ay (EU) ciidamo u soo dirtay Soomaaliya sanadii 2007-dii, iyadoo ciidamadaasi badali doona batalyanka 8-aad oo iyagu dib loogu celin doono dalka Uganda.

Ciidamadaan ayaa tababarka waxay 4 bilod ku qaadanaayeen xerada Singo kuna taalo deegaanka Nakaseke, ciidamadan ayaa waxaa tababar qaas ah siinayay tababarayaal ka socda wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska, waxyaabaha la baray waxaa kamid ah Shiishka fog, iyo madaafiicda goobta sidoo kale waxaa la siiyay tababar ku aadan is difaacida nafsiga ah ee ciidamada la baro.

Ciidamadan ayaa waxay dhoola tus ku soo bandhigeen xerada Singo waxayna soo bandhigeen ineey diyaar uyihiin ineey mar dhow ka howl galaan Soomaaliya ayna kula dagaalamaan Al-Shabaab isla markaana ay amaan iyo daganaan ku soo celiyaan qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya oo ay hada gacanta ku hayaan Ururka ku biiray Al-qaacida.

Ciidamadan ayaa waxaa lagula dardaarmay gabagabada xaflada iney ilaaliyaan dhaqanka iyo anshaxa Soomaalida iyo iney adeecaan awaamirta saraakiishooda, iyadoo Gen. Levy Karuhanga oo ah taliyaha guud ee ciidamada ciidamada difaaca shacabka Uganda (UPDF) ayaa ciidamada u sheegay iney Soomaaliya tagi doonaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)