|
Maxkamadda Sare oo sheegtay in dastuurka cusub lagu xuso Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya
Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxkamadda Sare oo sheegtay in dastuurka cusub lagu xuso Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya.
Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo ah gudoomiyaha Maxkamada sare Ee Dowlada KMG ah ee Somaaliya ayaa sheegay in dastuurka cusub lagu xusun Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya.
Mudane Caydiid Ilko-xanaf ayaa sheegay in garsoorayaasha Soomaaliyeed ay laba dhibaato haysato, kuwaasoo kala ah ammaan xumo iyo dhaqaale xumo, wuxuuna ka dalbaday madaxweynaha inuu u ogolaado isaga iyo xeer ilaaliyaha Qaranka inay hor-tagaan guddiga ansixinta ayna u sharraxaan waxyaabaha garsoorka looga baahan yahay.
"Innagoo ah guddiga garsoorka dalka waaxanu akhrinnay dastuurka qabyo-qoraalka ah kamana muuqato qaybtii uu garsoorku ku lahaa. Xeer-ilaaliyaha guud shaqadiisa si cad looguma qeexin," ayuu yiri Caydiid Ilko-xanaf.
Sidoo kale, guddoomiyaha maxkmadda sare, wuxuu sheegay maadaama garsoorkan uu yahay mid loogu talogalay inuu boqolaal sano jiro balse aanu ahayn mid muddo kooban jiraya, sidaa daraadeedna ay tahay in lagu xuso xuquuqda gasroorka dalka.
"Dhibaato ayuu garsoorku qabaa, laba ayaana ugu muhiimsan, kuwaasoo kala ah amni xumo iyo dhaqaale xumo. Waxaa Muqdisho lagu dilay 12-garsoore iyagoo fulinaya howlahooda. kuwo badanna waa lagu dhaawacay," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu hadalkiisa kusoo xiray in mid ka mid ah askarta dowladda KMG ah uu maalin dhaweyd garaacay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, taasoo uu sheegay inay qayb ka thay dhibaatada lagu hayo dadka ka shaqeynaya garsoorka Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|