|
Ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab oo xalay dagaal ku dhaxmaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool
Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab oo xalay dagaal ku dhaxmaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wararka naga soo gaaraya degmada xudur ayaa sheegaya in xalay Dagaal xooggan uu u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab uu halkaasi ka dhacay.
Dagaalka oo socday mudo ka badan hal saac ayaa la tilmaamay in dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsadeen gubka nuucyadiisa kala duwan.
Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday meel 3-KM u jirta degmada, isagoo xusay in dhankooda ay iska difaaceen.
Waxaa uu sheegay inay doonayeen qal qal gelinta ammaanka, isla markaana ay dadka deegaanka jahwareeriyaan xilliga Afurka sida uu yiri.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen, iyadoo Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo wadeen, isla markaana ay qasaare xoogan gaarsiiyeen.
Degmada Xudur ayaa Al-Shabaab ay dhowaan go’doomiyeen, markii ay xireen wadooyinkii sahayda u soo marayay, waxaana sare u kac ku yimid qiimaha raashinka qutul daruuriga.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|