|
Xildhiban Maxamuud Sayid Adan oo so garay Nairobi kadib wadahadal lagula soo yeeshay Gedo
Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xildhiban Maxamuud Sayid Adan oo so garay Nairobi kadib wadahadal lagula soo yeeshay Gedo.
Wararka naga soo garaya Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa waxaay tibaxayaan in Magaladaasi uu soo garay Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo ka tirsan Xubnaha barlamanka Somalia ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu Nairobi soo garay ka dib marki Gobolka Gedo uu ku boqday Hogaamiyaha Ahlusunna Gobolada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-Libaax kaas oo wada hadal kala galay diidmo uu xildhibaanku diiday Maamul usameybta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Xildhibaanka iyo Sh. Maxamed Aw-libaax ayaa waxaay ka wada hadleen waxyaabo badan oo ku saabsan qabka lo dhisaayo Maamulka ay yeelanayaan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo labada masuul ayaa waxay islama meel dhigeen qodobo badan oo ay ugu horeyso in Shirweynah Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo lagu qabto Gudaha Somalia isla markana so Xulitaanka barlamanka iyo doraashada Madaxweynahaba ay ka dhacdo gudaha Somalia.
Labada masuul ayaa ku balamay in qaybaha dhiman ee wadahadalada lagu dhameeyo Magaalada Nairobi ayadoo Xildhibaan Maxamuud Sayid adan lagu qanciyay in uu ka tanasuulo fikirka ah in la is raaciyo 6da gobol ee dhaca Konfur galbeed Somalia.
Wali ma cada safarka Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan in uu daba socdo wada xajoodki dhexmaray Labada Masuul balse Xildhibaanka oo war kooban saxafada siyay ayaa waxaa uu cadeyay in ay ka go,antahay in Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo lagu qabto gudaha Somalia taasi hadi ay dhacdo waxaa uu cadeyay in uu garab taagan yahay taagirina doono balse hadi ay dhiciwayso u qadicidoono Maamulka ka soo baxa Shirkaasi.
Isku so wada duubo Imanshaha Xildhibaan Maxmuud Sayid Adan u yimid Xarunta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee Nairobi ayaa waxaa la dhihi karaa wa tilaabo horay lo qaday waxaa sido kale talaabo ficaan ah in laga Ogoladay Codsigiisi ahaa in Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo uu ka dhaco gudaha Somalia qaas ahaan mid ka mid ah labada Magaalo e kala ah Doolow ama Afmadow.
--------------------------------------
Maxamed Jamac
mjamac@hotmail.com
Nairobi -Kenya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|