Somali News
    Hees  

Qodobbada Dastuurka Cusub oo Maanta loo akhriyay Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya

Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Qodobbada Dastuurka Cusub oo Maanta loo akhriyay Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya.

Ergada ansixinaysa dastuurka qaybo-qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah loo akhriyay dastuurka oo ka kooban 79-qodob, iyadoo lagu wado in berri ay ka doodaan qodobbada ay u arkaan inay yihiin kuwo uu khaladaad ku jiro.

Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ergooyinka laga doonayo in fadhigooda berri ay kaga doodaan qodobbada dastuurka.

"Dastuurka oo dhan ayaa maanta ergooyinka loo akhriyay, iyagoo calaameystay qodobbada ay arkaan inuu madmadow ku jiro, berri ayayna ka doodi doonaa," ayuu yiri wasiirka dastuurka oo sheegay in ergadu ay xaq u leeyihiin inay sheegaan qodob kasta oo ay u arkaan inuu khalad
ku jiro.

Ergooyinka ayaa waxay maanta soo saarayeen qodobbo dhowr ah oo ay u arkaan inay wax badan ka qaldan yihiin, iyadoo aanay ergada ansixinta dastuurka oo ka kooban 825-xubnood aysan xaq u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan qabyo-qoraalka dastuurka sida uu horay u sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa inay howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin dastuurka iyo xulidda xildhibaannada cusub lagu soo dhameystiro ka hor 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan oo uu ku eg-yahay xilligeeda shaqo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)