|
Orodyahanada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa ciyaaraha Olimbikada oo xalay calanka Soomaaliyeed kor u qaaday ( Daawo sawirada)
Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Orodyahanada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa ciyaaraha Olimbikada oo xalay calanka Soomaaliyeed kor u qaaday ( Daawo sawirada)
Ciyaaraha Olimbikada Adduunka oo xalay si rasmi ah uga furmay dhinaca bari ee magaalada London ayaa waxaa ciyaartoydii maraysay ka mid ahaa ciyaartoy Soomaaliyeed oo wata calanka Buluugga ah ee dhexda xiddigta cad ku leh ee Soomaalidu caanka ku tahay.
Gabadha orodka uga qeybgaleysa ciyaarahan ee Soomaaliyeed Zamzam Ahmed ayaa calanka Soomaaliya u waday kooxda Soomaaliyeed, taasoo soo jiidatay dareenka malaayiin Soomaaliyeed oo adduunka geesihiisa kala jooga.
Hadalheynta ugu badneyd ee dadka Soomaaliyeed ee isticmaala bogaga adeega bulshada sida Facebook iyo Twitter ayaa aheyd calanka Soomaaliya oo ka soo muuqday munaasabada ugu weyn isboortiga adduunka.
Waxaa sida hore loo shaaciyey ay ahayd in calanka uu qaado orodyahan Cabdi Bile Cabdi hase yeeshee illaa iyo hadda lama sheegin sababta loo bedelay oo ay orodyahanada Soomaaliyeed ee Zamzam oo ka tagtay magaalada Muqdisho ay calanka u qaaday.
Ciyaaraha Olimbikada ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 16 kun ciyaaryahano oo matayala ilaa iyo 204 wadan. Ciyaaraha Olimbikada ayaa waxaa lagu tartamayaa in ka badan 300 oo noocyada isboortiga la ciyaaro hase yeeshee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ugaga qeybgalaya labo orodyahan oo ka tegey dalka Soomaaliya, Hase yeeshee orodyahanka asalkiisu ka soo jeedo Soomaaliya haystana dhalashada Ingiriiska Mo Farah ayaa ka mid ah orodyahanada ugu cadcad ee la filayo in ay bilado dahab ah ku guuleystaan.
Dhinaca kale Cabdi Bile Cabdi ayaa horay bilado dahab ah ku guuleystey ciyaaraha olimbikada adduunka. Munaasabada furitaanka ayaa aheyd munaasabad u qurux badneyd, islamarkaana Britian ay si aad ah uga shaqeyeen islamarkaana soo bandhigeen dhaqankooda iyo damaashaadkooda.





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|