Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo afur u sameeyay haween ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa + Sawirro

Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif oo afur u sameeyay haween ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay xalay afur iyo casho u sameeyay haween Soomaaliyeed oo isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Munaasabadda oo ahayd mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal haween ah oo ay ku jiraan kuwo qurba joog ah oo Muqdisho u soo doontay inay jagooyin ka helaan Baarlamaanka cusub iyo kuwo hay'adaha kale ee Dowladda inay jago ka qabtaan dalka u yimid.

Sidoo kale munaasabadda afurka iyo cashada isugu jirta ee Madaxweyne Shariif uu u sameeyay haweenka waxaa goob joog ah Wasiirka haweenka iyo Batuulo Axmed Gaballe oo Madaxweynaha kala talisa arrimaha haweenka, sidoo kale waxaa iyana xusid mudan inay ka soo qeyb galeen
labada marqo ee Madaxweynaha oo labadiisa garab kala fadhiyay.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyntii khudbado kooban ka jeediyay xubno haweenka ka tirsan kuwooda qurba jooga ah oo lagu magacaabo Maryan Jacayl, waxayna sheegtay in Soomaalinimada ay ku weyn tahay
dadka ku nool dalka dibadiisa, iyadoona sheegtay in dadka ku nool qurba ay si weyn ugu hamuun qabaan inay dalkooda mar uun ku soo laabtaan.

"Haweenka Soomaaliyeed shaki kuma jiro inay mar walba yihiin hormuudka bulshada" ayay tiri Wasiirada haweenka iyo qoyska Maryan Aweys oo sheegtay inay rajo weyn ka qabto sidii haweenka ay kaalintooda ugu muujin lahaayeen horumarka dalka ka socda.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad aad u dheer oo uu uga hadlay xaaladda wadanka iyo doorka shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay xilligaan adag ku wajahaan, wuxuuna caddeeyay in haweenku culeys fara badan ay dusha u riteen, sidaas darteedna loo baahan yahay in xuquuqdooda si gaar ah looga fekero.





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)