Somali News
    Hees  

C/raxman Faroole : "Hay'adaha qoxootiga calaamiga ah iyo ICRC waxaan ka codsanayaa inay dib ugu soo celiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku silcaya dalka Liibiya.."

Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

C/raxman Faroole : "Hay'adaha qoxootiga calaamiga ah iyo ICRC waxaan ka codsanayaa inay dib ugu soo celiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku silcaya dalka Liibiya.."

Madaxweyne C/raxman Maxamed Faroole madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kahor yimid tahriibayaasha Soomaalida isla markaana dalbaday in dib ucelin loo sameeyo.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka cararayaan dalkooda halkii ay dib u dhiskiisa ka qaybqaadan lahaayeen, wuxuuna xusay inay jiraan dad ka ganacsada dhoofinta dhallinyarada iyo sidii ay dalkooda uga carari lahaayeen.

"Hay'adaha qoxootiga calaamiga ah iyo ICRC waxaan ka codsanayaa inay dib ugu soo celiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku silcaya dalka Liibiya deegaannadii ay u dhasheen ayna bixiyaan kharashka dib loogu soo celinayo iyagoo la kaashanaya Qaramada Midoobay oo dhaqaale badan ku bixisa Soomaaliya," ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo saakay la hadlayay BBC-da.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda KMG ah ay kaalin ka qaadato sidii ay arrintaas ku suurogeli lahayd isagoo sheegay in madaxda DKMG ah ay hadda mashquulsan yihiin, balse kursi ama xafiis la raadiyo ay ka daran tahay dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed.

"Waxaa nasoo wacay xalay goor dambe dad lagu qiysaasay 90-qof oo dooni ay kula cilladowday badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana la xiriirnay dowladda Talyaaniga aakhirkiina waxaa la geeyay xeebta Liibiya," ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalka madaxweyaha Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay laba doomood oo wada tahriibayaal Soomaaliyeed oo ka ambabaxay dalka Liibiya ay ku cilladoobeen badda midetereeniyaanka halkaasoo marin u ah muhaajiriinta si ay u gaaraan Yurub.

Arinta isweydiinta mudan ayaa ah maxa dhalintaan tahriibka qatarta ah kuriixaya? iyadoo su'aasha jawaabtani ay si gaar ah uquseeso madaxda matasha dhalinyaradaa tahriib doonka ah oo raadinayo meel dhaanta halki ay ka haajirayeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)