|
Dowladda Talyaaniga oo dib ugu celisay dalka Liibiya Tahriibayaal Somaliyed
Mogadishu Sabti 28 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Talyaaniga oo dib ugu celisay dalka Liibiya Tahriibayaal Somaliyed.
Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in Dowladda Talyaaniga ay dib ugu soo celisay wadanka Liibya ku dhawaad boqol ruux oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah, kadib markii ay diiday inay siiso magangelyo.
Tahriibayaasha oo markii ka amaba baxay dalka Liibya ayaa rajadoodu waxa ay aheyd inay gaaraan wadanka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan wadamada kale ee Yurub hase yeeshee waxaa dhacday in dib loogu soo celiyo dalkii ay markii hore ka tageen.
Tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay dalka Liibya ayaa waxaa sii kordhayay Soomaalida Tahriib doonka ah ee u tahriibaya wadamada Yurub, waxaana dowlada Talyaaniga ay sheegtay in wadankeeda ay soo buuxdhaafiyeen Soomaali fara badan oo megangalya doon ah.
Dhinaca kale Tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa sanadihii u dambeeyay ku qulqulayay wadanka Talyaaniga iyadoo ay sii kordheen dadka u tahriibaya Talyaaniga markii ay Liibiya kacdoonada ka bilowdeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|