|
Obama oo Somalia ku tilmaamay hooy laga soo abaabulo weerarada ka
dhanka ah Mareykanka
Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Obama oo Somalia ku tilmaamay hooy laga soo abaabulo weerarada ka
dhanka ah Mareykanka.
Madexweynaha dalka Mareykanka Barak obama oo warqad u diray
koongareeska dalka Mareykanka ayaa sheegay in xaaladda Somalia haatan
ay noqotay mid wal walkeeda leh oo aan caadi aheyn islamarkaana ay ka
soo muuqanayaan arimo muujinaya falal argigixisinimo oo mareykanka ka
dhan ah.
Madexweyne obama ayaa sheegay in dowladda mareykanka ay si aad ah uga
wal walsantahay waxa ka dhalan kara xaaladda ka jirta dalka dalka
Somalia oo uu ku sifeeyay inay tahay dhibaato caalamka oo idil ku
faafeysa haddii aan wax laga qaban.
Arimaha burcad badeedda , kooxo uu ku sheegay qaswadayaal iyo
hanjabaada kul kulul ee ka soo baxaya Al shabab kuna wajahan caalamka
ayuu obama sheegay inay muujinayaan in Somalia ay ku jirto marxalad
tii ugu adgeyd oo lama huraan ay tahay in talaabo laga qaado.
Obama ayaa tilmaamay in Somalia ay saldhig ay ka dhigteen waxa uu ku
sheegay argigixisada islamarkaana laga soo abaabulo weerarada iyo
qaraxyada ka dhanka ah mareykanka ee lagu bartilmaamsanayo xarumaha
mareykanku uu ku leeyahay qaaradda Africa.
Madexweyne obama ayaa tilmaamay in lagu xadgudbayo cunaqabteyntii
hubka ee la saaray somlia bishii janaayo ee sanadkii 1992dii.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|