Somali News
    Hees  

Iran oo dalalka khaliijka ku eedeysay taageerista burcad badeedda Soomaalida

Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Iran oo dalalka khaliijka ku eedeysay taageerista burcad badeedda Soomaalida.

Dowladda iiraan ayaa dowladaha khaliijka waxa ay ku eedeeysay in taageero lixaad leh ay siiyaan kooxaha burcad badeedda soomaalida islamarkaana ay ka saacidaan sidii ay u soo afduuban lahaayeen maraakiib ganacsi oo mareysa gacanka carbeed iyo badda cas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada badda dowladda iiraan oo lagu magacaabo Max’ed nadiiri ayaa sheegay inay hayaan xog buuxda oo ku saabsan in dowladaha ku yaala khaliijka siiba dowladaha imaaraadka , sacuudiga iyo dowladda yeman oo khaliijka ka baxsan ay taageeraan kooxaha burcad badeedda soomaalida , iyagoo mararka qaar siiya doonyo ay ku howlgalaan si ay u soo afduubtaan maraakiib mareysa biyaha caalamka.

"Si looga taqaluso burcad badeedda waa mid sahlan oo fudud balse waxaa in la ogaado ah in burcad badeeddu inay taageero ka helaan dowlado awood leh”ayuu yiri Max’ed nadiiri oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada badda dowladda iiraan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladaha khaliijka oo ku aadan eedeyntan iiraan ay u soo jeedisay , waxana dowladda iiraan ay qeyb ka tahay in ka badan 30 dowladood oo ka qeybqaata howlgallada ka dhanka ah burcad badeedda soomaalida oo sanadkii 2008da laga bilaabay biyaha Somalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)