|
Turkiga oo dowladaha islaamka gar gaar u weydiisay Somalia
Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Turkiga oo dowladaha islaamka gar gaar u weydiisay Somalia.
Wasiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arimaha Midowga yurub Aqmaan
baajish oo la hadlay warbaahinta ku taala Turkiga ayaa dowladaha
islaamka ugu yeeray in taageero ballaaran bishan barakeysan ee Ramadan
ay soo gaarsiiyaan umadda soomaaliyeed oo 21 sano la daala dhacaya
dhibaato aan dhamaad laheyn.
Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan kumanaan ruux oo soomaali ah kuwaas
oo ku jira xerooyin barakacayaal ah kuwaas oo aan heysan hooy iyo cuno
ku filan , taasina ay u sii dheertahay inay ku jiraan bisha barakeysan
ee Ramadan.
“Hadalkeygu waxa uu ku wajahanyahay dowaldaha islaamka Kaalaya oo aan
gar gaarno walaalaheena soomaaliyeed”ayuu wasiirku u sheegay
warbaahinta dalka Turkiga
Aqmaan baajish wasiirka dowladda turkiga u qaabilsan midowga yurub
ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in doonyo ay saaranyihiin mucaawino ay
ka soo dhaqaajiyeen degeddo kala duwan oo dalka turkiga ku yaala ayna
ku soo wajahanyihiin dalka Somalia kuwaas oo sida gargaar loogu tala
galay dadka dhibanayaasha ah.
Dhinaca kale Turkiga ayaa ah dowladdii ugu horeysay oo caawimaad la soo gaartay
umadda soomaaliyeed abaartii Somalia ka dilaacday sanadkii 2011ka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|