|
Sheekh Bashiir A. Salaaad : "Wuxuu ka horimaanayaa dastuurka diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed"
Mogadishu Axad 29 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sheekh Bashiir Axmed Salaaad : "Wuxuu ka horimaanayaa dastuurka diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed"
Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn uga soo horjeesatay in la ansaxiyo dastuurka cusub ee qabyada ah kaasoo ansxintiisa ay si weyn uga socoto magaalada Muqdisho.
Sheekh Bashiir Axmed Salaaad gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka digay in ergada Soomaaliyeed ay ansaxiyaan dastuurka cusub ee qabya qoraalka ah kaasoo uu tilmaamay gudoomiyuhu inay ku jiraan qodobo aan la aqbali karin.
"Wuxuu ka horimaanayaa dastuurka diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed", ayuu yiri Gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed sheekh Bashiir Axmed Salaad.
"Umadda Soomaaliyeed maadaama la doonaayo in lagu dhaqo dastuurka, waxaa laga rabaa inay iyagu ka wadahadlaan" ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka horyimaadaan Dastuurka mar kaduu ka horimaanaayo Diinta islaamka.
Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo magaalada Muqdisho uu ka soconayo shirweyne lagu ansaxinayo dastuurkacusub ee qabya qoraalka ah kaasoo soo afjarmi doona maalmaha soo socda.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|